C/kariin Xuseen Guuleed oo xusulduub ugu jira in uu Madax ka noqdo Maamulka Gobolada Dhexe (Warbixin)

0
359

C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Qaranka ee Somaliya, ayaa wuxuu xilligaan uu dadaal ugu jiraa in uu Madax ka noqdo Maamul Goboleed la qorsheynaayo, in laga hirgeliyo Gobolada Dhexe.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhiso Maamul Goboleed ay ku mideysan yihiin dadka degga, iyadoo ay socoto dadaalo leeskugu soo dhoweynaayo beelaha wada degga.

Arrintaan, ayaa waxay dambeysay markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u baahday, in uu galaangal ku yeesho Maamul Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo uu dareen ka muujiyay in Maamulka loo dhisaayo Gobolada Dhexe, uu la mid noqdo Maamulada kale ee dalka ka jira, oo aan kalsooni badan u hayn Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaarada Cadaaladda & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa dhabarka ka riixaaya Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, si uu ugu guuleysto Hogaanka Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweynaha iyo Wasiir Faarax, ayaa waxaa amuurtaan ka caawinaaya meelmarinteeda Safiirka Somaliya ee dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan, kaa oo markii hore xusulduub ugu jiray in uu Madax ka noqdo Maamulka Gobolada Dhexe, inkastoo lagu qanciyay in uu wadada u baneeyo Wasiirkii is casilay ee Guuleed.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somaliya Kamaal Daahir Xasan (Guutaale), oo maalmo ka hor tagey Magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu Dowladda Itoobiya ka dhaadhiciyay in ay taageerto Maamulka, la doonaayo in uu garwadeenka ka noqdo C/kariin.

C/kariin waa nin xubin ka ah Ururka Al Islaax (Dam Jadiid) farqadiisa Somaliya, waxaana adag sidii looga dhaadhicin lahaa beelaha degga Gobolada Dhexe, oo ku nasab-sheegta Mabaadii’da Suufiyada, Salaaxiyada iyo Dariiqiyada.

Sidoo kale jilibyada Cayr iyo Sacad ee Beesha Habargidir, ayaa waxay durbaba dhaliilayaan in Gobolada Dhexe loo soo weeciyo C/kariin Xuseen Guuleed, oo loo arko nin aan u khalmin in uu hogaamiyo dadka degga Goboladaasi.

Dadka ku dhow dhow Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa waxay kuu sheegayaan inaanu ku qanacsanayn qorshaha uu Guuleed ku doonaayo, in uu ugu soo weecdo Gobolada Dhexe.

Laakiin si kasta oo lagu meel mariyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa gacan weyn ka geysan doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir, oo kaashanaaya Danjire Axmed C/salaan.

Iskusoo wada-duuboo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxay dadaal badani ku bixin doontaa, sidii C/kariin Xuseen Guuleed uu kaga soo muuqan lahaa Maamulka loo wado Gobolada Galgaduud & Mudug.guled