AMISOM oo sheegtay in dowladda ay ku gacansiineyso gacan ku dhigista Kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho

Madaxa Siyaasadda AMISOM Xaaji Ciise oo Saxafiyiinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Haayadaha Amniga dowladda Soomaaliya ay ku guul dareysteen in ay soo qabtaan Kooxaha aalaaba Bartilmaamsada Saxafiyiinta.

Isagoo Sii wata hadalkiisa ayuu sheegay Xaaji Ciise in AMISOM ay hay’adaha ammaanka ka taageereyso sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxaha falalka ammaan xumi ka geysta Magaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxa Siyaasadda AMISOM Xaaji Ciise ayaa imaanaya xilli Maalinimadii shalay fal dil ah loogu geystay Magaalada Muqdisho Wariye ka howl galayay Mid ka mid ah Idaacadaha Maxalliga ah ee ka howl gala Caasimada Muqdisho.

ASTAANTA-AMISOM-LOGO-150x150

Share on Facebook