SARAAKIISHA DOWLADDA OO SHEEGAY INAY DAD USOO QABTEEN FALALKII UGU DAMBEEYAY EE MUQDISHO KA DHACAY

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgalo ay sheegeen in laga sameeyay Magaalada Muqdisho, saacidihii ugu dambeeyay, kadib falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Muqdisho ka dhacay.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Dowladda in lagu soo qab-qabtay rag lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka kuwaasi oo hada qaar la baarayo qaarna ay xiran yihiin.

Afhayeenka ma aanu sheegin tirada dadka lasoo qabtay laakiin Warbaahinta ayuu usheegay in ragaasi lasoo qabtay iminka baaris qaar ay ku socoto kuwana la xiray.

Waxa kale uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed in ciidamada Dowladda ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Muqdisho, isaga oo cadeeyay in Shabaab markii banaanka looga adkaaday sida uu yiri hada ay bilaabeen inay gudaha amnidaro ka geystaan.

Xalay kaliya Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay falal lidi ku ah dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo qarax uu ka dhacay goob ammaankeeda si weyn loo adkeeyay oo ku dhaw xarunta Nabadsugida Soomaaliya ee Habar Khadiijo.20576

Share on Facebook