Qarax Xoogan oo ka dhacay Jowhar

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Qarax Khasaaro kala duwan geystay waxaa lagula eegtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Qaraxan oo ahaa sida la tilmaamay Miino dhulka lagu aasay ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa lagula beegsaday bartamaha Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Goobjooge la hadlay Garoowenews Online ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Xoogan islamarkaana la qarxiyay Kolonyo ay wateen Ciidamada DFS Isagoona sidoo kale xusay in Khasaaro bur bur ah uu soo gaaray Kolonyadaasi.

Ilaa iyo hada lama shaacin Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxii Miinada ahaa ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagula eegtay bartamaha Magaalada Jowhar.

Ugu dambeyn, amaanka Magaalada Jowhar ayaa wanaagsanaa inkastoo Qaraxan uu saameyn ku yeeshay amaanka hadan halka uu Qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.IMG_45EBF0-403CD1-E905AA-B9B978-D0A2D2-E364EE-290x160

Share on Facebook