DOWLADDA OO KA HADASHAY DAGAALADA BELADXAAWO

0
262

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya aysan ka qeyb qaadan dagaalada ka soo cusoobaanaday Gobalka Gedo.

Wasiirka Difaaca dalka ayaa tilmaamay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya amar lagu siiyay inaysan galin dagaalada, sidoo kalena aysanba ka qeyb qaadan sida uu yiri.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gedo ku sugan ay intooda badan joogaan Degmada Baardheere, balse ay jiraan ciidan yar oo Dowladda ka jooga aaga Beladxaawo.

Dagaalada kasoo cusboonaday Degmada Beladxaawo ayaa Wasiirka wuxuu ku sheegay inuu yahay mid fursad siinaya Al-Shabaab oo ay ka faa’iideesanayaan dagaaladaasi.

Odayaasha iyo shacabka reer Beladxaawo ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa dagaalada ka socda Degmada Beladxaawo.

Xaalada Degmada Beladxaawo ayaa aad ukacsan, waxaana socota dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidanka Ahlusuna iyo kuwa Dowladda Beladxaawo jooga iyo ciidamo ka amarqaata C/rashiid Janan oo Maamulka Jubba ka tirsan.20254