AMISOM OO SHEEGTAY INAY BADBAADIYEEN HAWEEN AY AL-SHABAAB AFDUUBTEEN

0
345

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada maamulka KMG ee Jubba ay ku guuleysteen badbaadinta 30 ruux oo Alshabaab ay ka afduubteen Kismaayo.

Haweenka ayaa la sheegay in laga afduubtay deegaanka Bar Caleen oo ku taala inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Kismaayo waxaana AMISOM ay sheegtay in Alshabaab ay doonayeen inay gaarsiiyaan magaalada Jilib.

“Maqribnimadii xalay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba ayaa badbaadiyay 30 ruux oo ALshabaab ay afduubteen”sidaasi ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakiilka midowga Africa ee AMISOM.

Maxamed Saalah Annadif ayaa sheegay inay u mahad celinayaan ciidamada AMISOM iyo ciidamadii soo badbaadiyay haweenkii laga afduubtay magaalada Kismaayo isagoo sheegay inay sii wadayaanb caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu cambaareeyay qorshayaasha qaar oo ay Alshabaab ku doonayaan inay ku afduubtaan ummada Soomaaliyeed oo ay ku doonayaan sida uu hadalka u dhigay inay ku cabsi geliyaan.20573