AL-SHABAAB OO FAGAARE BARAAWE KU YAALA LABO XUKUN OO KALA DUWAN KU FULISAY LABO NIN

0
383

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa sheegaya in Al-Shabaabka ku sugan Degmadaasi ay shalay ku fuliyeen labo ruux xukuno kala duwan.
Labada ruux ee xukunada kala duwan Shabaab ay ku fuliyeen ayaa waxa ay ku eedeysanaayeen dambiyo kala duwan sida maxkamada Shabaab ay ku xukuntay ragaasi.

Ninka koowaad ayaa waxaa lagu xukumay xukun gacan goyn ah, iyadoo isla goobta lagu fuliyay xukunkaasi, waxaana uu ku eedeysnaa xatooyo lacag gaareysa hal Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah oo uu ka dhacay sida ay Shabaab sheegeen aqal ku yaala Degmada Baraawe.

Ninka kale ayaa isna waxaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar , waxaana maxkamada Al-Shabaab ee Shabeelaha hoose ay ku xukuntay Karbaash gaaraya 100, goobta ayaana lagula fuliyay karbaashkaasi.

Saddex maalin kahor ayeey aheyd markii Al-Shabaab fagaaro ku yaalo Degmada Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose ay ku toogteen saddex ruux oo ay Shabaab ku eedeyeen inay ahaayeen Jawaasiis.20574