Wiilkii ‘Mucjisada’ Noqdey Ee Ku Safrey Taayirka Diyaaradda Oo La Sheegay In Uu Yahay Soomaali

0
495

stowaway PREVIEW.jpg
Maalinti Axadda ee taarikhu ahayd 20.04.2014 ayaa wiil da’diisa lagu sheegay 16 jir uu diyaarad u duuleysey Gobolka Hawaii ku dhuuntey halka ay diyaaradu ku laabato taayirkeda markii ay kacdo isaga oo taayirka sii raacey, diyaaradda ayaa ka duushey garoonka San Jose ee gobolka Kalafoorniya, waxaana ay hawada sare ku jirtey 5 saacadood.

Haddaba warbixino dheeraad ah oo ka soo baxay ayaa sheegaya in wiilkan uu ahaa Soomaali, kaas oo daltabyow iyo xiiso ku dhacay, wiilkan oo hadda da’diisa lagu sheegayo 15 jir ayaa la sheegay in aanu garaneyn halka diyaaraddu u socoto markii uu soo racaye tayirkeeda, laakiin uu filaayey in ay geyneyso Afrika si uu u soo arko hooyadiis. Hooyadey waxaa iigu danbeysey aniga oo jira laba sano ayuu yiri aad ayaana u tebey oo in aan arko ayaan doonaayey waxaana filayaa in ay weli Soomaaliya ku nooshahay ayuu yiri wiilkan oo aan weli magiciisa la shaacin.

Ka hor inta aanu diyaaradda soo raacin ayuu ka baxsadey guriga aabihiis oo ku yaaley Santa Clara , waxaana uu maqnaa ku dhawaad 30 saacadood, waxaa Joornaalka Mail Online ee Ingriiska ka soo baxay sheegayaa in aabuha wiilkan aanu Booliska ku wargelin maqnaanshaha wiilkiisa.

Wiilkan ayaa rabbi ku soo badbaadiyey qabow kor u dhaafaya -81F (-62C) taas oo noqotey arrin mucjiso ah.

Sida ay sheegeen laamaha amaanka ee wiilkan arrintiisa ku hawlan wax denbi ah oo loo haysto ma jirto waxaase ay si weyn isu weydiiyeen qaabka uu ku gudbey iyo sida ay ugu suurta gashey diyaarad weyn oo garoonka ka kacaysa in uu taayirka qabsado kadibna uu tayirka la xeroodo.