Guddiga Amniga Baarlamaanka Iyo Guddiga Difaaca Oo Si Kulul Kaga Hadlay Dilalka Xildhibaanada Loo Geysanayo.

0
302

amni
Guddiga arimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si kulul uga hadleen dilalka joogtada ah ee maalmahan loo geystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka Guddigan oo la hadlay Idaacada Risaala Daahir Amiin Jeesoow, ayaa wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin dilalka qorsheysan ee Xildhibaanada loo geysanayo, xilli Al-Shabaab weli ay ku hanjabayaan inay dilayaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka.

Daahir Amiin Jeesoow wuxuu sheegay labadii Xildhibaan ee ladilay shalay iyo Doraad aysan laheyn ilaalo, sidaasi awgeedna loo dilay, wuxuuna hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ka dalbaday inay ilaalo usameeyaan Xildhibaanada Dowladda kujira.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Guddoomiye kuxigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay Dowladda Soomaaliya in la isagala xisaabtami doono dayacnaanta dhanka ammaanka ee ka jirta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Idaacada Goobjoog la hadlay, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin kaliya canbaareyn loo jeediyo dilalka Xildhibaanada loo geysanayo.

Wuxuu sheegay in ilaa hada Hay’adaha ammaanka Dowladda aysan kahayn warbixin ku aadan dilalka Xildhibaanada loo geystay, isaga oo isweydiiyay sida ay ku baxsadaan dadka dilaya Xildhibaanada.

Baqdin badan ayaa soo foodsaartay Xildhibaanada Baarlamaanka dalka, xilli Afhayeenka Shabaab uu kusii hanjabay inay wadayaan Bartilmaameedka ay ku hayaan Xildhibaanada.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com