Al Shabaab oo Saraakiil ku Dilay Gobolka Bakool

0
305

Kadib markii Dagaal Culus uu Shalay iyo Xalay siyaabo kala duwan uga socday Degaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay Afhayeenka dhanka howlgallada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Abuu Muscab, Afhayeenka dhanka Howlgallada ee Xarakada Al Shabaab oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in Weeraro dhowr jaho ahaa lagu ekeeyay Ciidamada Itoobiya eek u sugan Gobolka Bakool waxuuna intaasi ku daray in ay ka Dileen Saraakiil iyo Askar.

Sheekha ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay jid u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo marayay Degmooyinka Waajid iyo Yeed ee Gobolka Bakool halkaasina ay ku Dileen ku dhawaad 5 Ruux oo isugu jira Askar iyo Saraakiil.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday Khasaaraha dhimasho ee soo gaaray Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab kuwaasi oo Dagaal Culus ku qaaday Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Gobolka Bakool.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa ka wada Howlgallo ka dhan Al Shabaab Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool iyadoona Al Shabaab maalmihii dambe ay Weerarooda sii kordhiyeem.

2