C/raxmaan Faroole Oo Canaan Kulul Dusha Kaga Tuuray Musharaxiinta Puntland.

0
184

Xubnaha Musharaxiinta ayaa waxa ay M/weyne Faroole ka codsadeen in la sameeyo gudi dhax dhaxaad ah oo labada dhinac ka kooban si aysan u dhicin in hal dhinac uu ku shubto xilka Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id qabtay ka dib kulanka ayaa waxa uu si kulul u weeraray xubnaha Musharxiinta isaga oo sheegay in ay yihiin dad u gafay sharciga waxa uuna sheegay in ay doonayaan in ay hareer maraan sharciga Iyo Qodobada U Dagan Doorashada.

M/weyne Faroole ayaa Sidoo Kale sheegay in xubnaha ay ka codasadeen in uu dhaxdhaxaad ka noqdo qodobo sharci ah sidaas darteed uu sheegay in sharciga aan dhaxdhaxaad laga noqon karin Cidii Aan Ku Dhaqmin Sharciga Daganna Uu Talaabo Ka Qaadi Doono.