|

Maxmakamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ku fulisay Gacan ku dhiigle Dillay Wariye Xasan Yuusuf Absuge.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa saaka ku toogatay magaalada Muqdisho gacan ku dhiigle lagu helay inuu horey u dilay Weriye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa bahda warbaahinta Muqdisho.
Aadan Cabdi Xuseen oo ahaa Gacan ku n ayaa waxaa saaka xukun toogasho ah lagula fuliyey fagaaraha ka soo horjeeda dugsiga sare ee Booliska degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.
Waxaa fulinta xukunkaas toogashada ah goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida oo horey xukun dil ah ugu riday gacan ku dhiiglaha la toogtay, saraakiil kale oo ka tirsan milateriga iyo Booliska iyo dadweyne kale.
Taarkkihdu markay ahayd 21-09-2012 abaaro 11:00 barqanimo edeeysane Shabaab Aadam Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen ina saruuro ibraahim 24 jir ah ku dhashay xamar degan warta nabdda,wuxuu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum la oran jiray wariye Xasan Yuusuf Absuge.
Maalintii ay taariikhdu ahayd 17-03-2013 waxay maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii oo haysatay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.
Maalintii ay taariikhdu ahayd 25-03-2013 wuxuu ka qaatay xukunka racfaan.
maalintii ay taariikhdu ahayd 27-07-2013 waxay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ay mar kale u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.
Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamada ay sheegtay in gacan ku dhiiglaha saaka la toogtay cadeymo badan iyo markhaatiyaal badan ka dib uu maxkamada ka hor qirtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kana dambeeyey dilka weriye Absuge oo sanadkii hore la dilay.
Waa Markii ugu horeysay ee xukun cadaalad ah la mariyo qof dilay mid ka mid ah weriyeyaal fara badan oo sanadihii uu dambeeyey lagu qaarajiyey magaalada Muqdisho.

Share on Facebook

You must be logged in to post a comment Login