Xubnaha barlamaanka soomaaliya oo maanta ka doodey codsiga m/weynaha kaas oo tilmaamaya in hal bill lagu daro kalfadhiga baarlamaanka.

0
206

Kulanka barlamaanka oo ay soo xaadireen 150 xildhibaan ayaa looga doodey codsi m/weynuhu u gudbiyey barlamaanka kana codsadey in kalfadhiga lagu daro mudo hal bil ah taas oo m/weynuhu sharci ahaan dastuuri ah.

Dooda xildhibaanada oo aheyd mid iska soo horjeeda oo kala duwan ayaa gabangabadii afhayeenka barlamaanku sheegey in kalfadhigu xiranyahey,codsiga m/weynahana 2 jully looga doodi doono,arintan oo muujineysa feker kala duwanaansho xaga madaxda sare ee dalka.

Dooda barlamaanku maanta yeeshey ayaa kusoo beegmeysa xilli m/weynuhu uu la kulmayey kana dhaadhicinayey xubno golahii wasiiradii xukuumadii c/wali gaas iyo mida hada jirta ee uu hugaamiyo r/wasaare cabdi faarax shirdoon isagoo kala hadlayey sida loogu baahanyahey in barlamaanku sii shaqeeyo muddo bill ah,lamana oga sida codsiga m/weynuhu u meel marayo,mar hadiiba ay xubnaha barlamaanku tixgelin waayeen codsiga m/weynaha jamhuuriyada prof. Xasan sheekh maxamuud gurguurte.