Madaafiic lagu weerarey xaley madaxtooyada villa somalia iyo agagaarkeeda.

0
530

Madaafiicdan lagu garaacey madaxtooyada soomaaliya ayaan la garaneyn sida loo fuliyo maadaama ay dawladu sheegto in muqdisho gacanta kuwada heyso ayaa xaley saqdii dhexe mar qura kusoo hoobtey agagaarka villa somaaliya.

Madaafiicdan ayaa sidoo kale dhaca marka madaxda qaranku meelo kale shirar u jiraan tii xaleyna waxey timid iyadoo m/weyne xasan sheekh gurguurte uu ka qeyb galeyey shirka G8ka,waxeyna madaafiicdu ku dhacaan dalab lacageed oo kaliya,waxaana fulinaya rag ciidanka dawlada ah,halka lacagtu ay ka timaado jeebka xarakada alshabaab.

Waxaase qosol iyo yaab ah markii xaley madaafiicdu soo bilaabatey ayaa waxaa dhacey arintan:
waxaa barxada masjidka isbaheysiga ku feylsanaa 300 askeri oo ka tirsanaa guutada hillaac ee uu xukumo gen.c/lle dheere,askartaas oo loo wadey hawlgalka lagu baadigoobo hugaamiyaha ruuxiga ah ee xarakada alshabaab abuu zubeyr kaas oo la sheegey in uu muqdisho ku noolyahey,lamana oga in ay garanayaan askarta hawlgalada fuliya maadaama aysan wadanin wax ay ku aqoonsadaan.

Askarti barxadda masjidka taagneyd waxey waayeen meel ay lafahooda la galaan waxeyna arinti noqotey in qaadumka masjidka lagu amro in masjidka uu furo,waana uu yeeley halkaas oo si halhaleel ah ay sadexdii boqol oo askeri gabaad ka dhigteen masjidka iyaga kabahooda iyo hubkooduba,markii waagu beryana la kala direy taas oo u muuqata in madaafiicdu xitaa hakisey hawlgalki xaafadaha beryahan ee lagu baadigoobayey shekh abuu zuberka hugaamiya alshabaab.