Hogaamiye Axmed Madoobe oo Gaaray Addis Ababa.

0
217

Hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni kana mid ah madaxweynayaasha is magacaabay ee Jubbooyinka Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shirweyne dhowaan ka dhacay Kismaayo loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha Jubba-land ayaa isaga iyo wafdi uu horkacayo waxay gaareen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Wafdiga Axmed Madoobe oo saaka ka dhoofay magaalada Kismaayo ayaan ka hadlin ujeedada safarka uu ku gaaray magaalada Addis ababa, hase ahaatee xubno ku dhow dhow maamulkiisa ayaa sheegaya inuu casuumaad ka helay raisul wasaaraha Itoobiya.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu kala hadli doono masuuliyiinta Itoobiya sidii maamulkiisa ay u siin lahaayeen taageero buuxda, dowlada Somaliyana uga dhaadhicin lahaayeen iney u aqoonsato maamul goboleed rasmi ah.
Lama oga qaabka ay Itoobiya u taageeri karto maamulka Axmed Madoobe, hase ahaatee Itoobiya ayaa waxay ka qeyb ka aheyd dalalka IGAD ee dhowaan shir madaxeedka ku yeeshay Addis ababa kuwaasoo sharci daro ku tilmaamay maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa kale ee Kismaayo looga dhowaaqay isla markaana ku baaqay in laga qeyb galo shir looga hadlayo maamul sameynta Jubooyinka oo lagu qabanayo Muqdisho kaasoo ay qabanqaabineyso dowlada Somalia oo ay sheegeen iney tahay mida kaliya ee xaqa u leh iney hormuud ka noqoto maamul sameynta gobolada dalka.