Waxaa goordhow
bilowday dagaal Culus oo u
dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa
Dowladda Federaalka Soomaliya
iyo Xarakada Raas kambooni,
waxaana dagaalkaasi uu gaystay
khasaarooyin iskugu jira
dhimasho iyo Dhaawac.
Sida Uu Ku Soo Waramayo Wariyaha Warsom Ee Kismaayo In ay Xabadu socoto isla markaana ay
khasaarooyin xoogan oo labada
dhinac kala gaaray jiraan.
Dagaalkani ayaa yimid waxyar
kadib markii maanta la dhaawacay Coll Yaasiin Nuur
Gaas (Raadeer) oo ka tirsan
Saraakiisha Raaskambooni ee Ku Sugan Magaalada
Kismaayo.




