Baarlamaanka Soomaaliya Xubno Ka Tirsan Oo Si Toos Ah Kaga Qeyb Gashay Shir Maanta Ka Furmay Magaalada Bruseles Ee Dalka Biljimka.

0
572

Wufuud ka socda Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya ayaa
markii ugu horeysay bur burkii
kadib ka qeybgalay ACP-EU oo ka
furmay magaalada Brussels ee
xarunta Midowga Yurub.

Baarlamaanka
Soomaaliya Wafdigii Ka Socday ayaa waxaa
hogaaminaya Gudoomiye ku
xigeenka Koobaad ee
Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani
Nuur Iikar waxaana wafdigan ay
shirka horgeeynayaan
hormarradii ugu dambeeyey ee
uu ku talaabsaday Baarlamaanka.

Jeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad
ee Golaha Baarlamaanka ayaa ugu
horeyn u mahad celiyey
Dowladda Biljamka iyo madaxda
Midowga Yurub sida heerka sare
ah ee ay usoo dhaweeyeen
Wafdiga ka socda Baarlamaanka
Soomaaliya.

Wafdigan uu hogaaminayo
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad
ee Golaha Baarlamaanka Mudane
Jeeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa
ka mid ah Gudoomiyaha gudiga
arimaha dibada iyo iskaashiga
caalamiga ah Mudane Xildhibaan
C/qaadir Cosoble Cali,Mudane
Xildhibaan Maxamuud Cabdi
Xasan iyo Mudane Maxamed
Xasan Cawaale oo ah la taliyaha
gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya waxaana xubnahan
maanta ay si rasmi ah u
fadhiisteen kuraastii Soomaaliya
oo mudo sanado ah banaaneed.

Talaabadan ay wafdigan ka
socda Baarlamaanka Soomaaliya
uga qeybgalayaan shirkan ka
furmay xarunta Midowga Yurub
ee Brussels ayaa ka qeyb ah
hormarrada sii kordhaya ee uu
Baarlamaanka Soomaaliya ku
talaabsanayo marka loo eego
dhanka xiriirka iyo
wadashaqeynta Baarlamaannada
Caalamka.