Ciidamada amisom oo qarax lala eegtey gudaha magaalada kismaayo.

0
533

Kolonyo Gaadiid Ah Oo Ay Wateen Ciidamada Kenya ayaa waxaa qarax lagula eegtay
Xaafadda Via Afmadow ee
Magaalada Kismaayo iyadoo qaraxa kadib ay rasaas fureen
Ciidamada Dowladda Kenya.

Sida Ay Sheegeen Dad shacab ah oo aaggaasi ku
sugnaa inay halkaasi ku kala
yaaceen qaraxa kadib, ka gadaal
markii ay xaaladu isu bedeshay
mid Culus.

Ciidamada Kenya ayaa waxaa
lagu soo waramayaa inay weli ku
sugan yihiin goobtii uu qaraxu
ka dhacay, balse ma cadda
khasaaraha saxda ah ee
qaraxaasi ka soo gaaray.

Qaraxyada noocaani
ayaa xilliyada qaarkood waxaa
Ciidamada Kenya lagula eegtaa
Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
ee Magaalada Kismaayo Waxaana
Maalinkii shalay Uu Sheegay Afhayeenka Ururka Raaskambooni Col. C/naasir
Seeraar Maax inuu
isku dhex yaac ka jiro Kismaayo,
ha yeeshee ay taasi wax ka
qaban doonaan.