Macalimiinta dhigta dugsiyada qur’aanka kariimka ah ayaa cabasho ba’an ka muujinaya weerar burburin ah oo lagu hayo dugsiyada qur’aanka kariimka ah,waxeyna sheegeen in hadda dhibaato ay ku hayaan dugsiyada lagu barto qur’aanka gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir qaarkood.
Macalimiinta ayaa sheegey in la burburiyey dugsiyo qur’aan oo dhisnaa 50 sano ka hor iyadoo la leeyahey wuxuu ku yaal wado dhexdeeda,taas oo ah waxba kama jiraan lagu doonayo in lagu soo sharciyeysto dhulka dugsiga laga dumiyey,ayna jiraan qaar duruuf awgeed wado kusoo beegantey maadaama aaney dalka soo marin dawlad diinta saaxib la ah,maqaamka dugsiyada qur’aankana aad hoos loogu dhigey lagana kormariyey dugsiyada lagu barto cilmiga maadiga ah,oo aaney jirin dugsi qur’aan ka dhisan meel sharcigeedu kusoo baxey dugsi qur’aan dhulka marka la bixinayana aan qorshaha lagu daran halka iskuulada iyo cisbitaalada lagu xisaabtamo daaro waaweyna loo dhiso.
Arinkan oo aan wax ka weydiiney sheekh maxamuud aw clle cariif ayaa sheegey in ay ka dhalaneyso caro alle ayna haboontahey in laga hortago inta carada alle aysan imaan,sheekha ayaa sheegey in hadii wado dugsigu kusoo beegmo waa in dhul la siiyo dugsiga,hadii kale loo daayo meesha qawlka alle lagu barto,oo la xurmeeyo macalimiinta,ardeyda iyo meesha qur’aanka lagu bartaba.
Cabashadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhawaan maamulka gobolka banaadir amar ku bixiyey in la furo dhamaan waddooyinka degmo walba ay leedahey,gudoomiyeyaasha degmooyinkuna aaney wax tixgelin ah siinin dugsiyada qur’aanka oo aan waligood dhul la siinin.




