Waxaa lasoo sheegayaa in 9:00 fiidnimo uu ka kacey dab aad u weyn suuqa gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee soomaalida kenya sheegato.
Gubashada suuqyada soomaalida ayaa ah kuwo soo noq noqday oo aan la garaneyn sababta ka danbeysa in kastoo ay sheegayaan dadka falanqeeya masiibooyinka dabiiciga ah in ay ku jiraan arrimo siyaasad ku lug leh oo aaney dooneyn dawlada kenya in dhaqaalaha soomaalidu sare u kaco,waayo gubashada suuqyadu waxey mar kasta ka dhacaan suuqyada ay taal hantida soomaalida waxaana dib u dhac ku yimaadaa dhaqaalaha soomaali badan oo mar kale dib u bilaaba in ay soo bilaabaan meel cusub.
Gubashada suuqan ayaan aheyn mid cusub waxeyna sidan oo kale dhacdey horaanti sanadkan iyadoo sidaas si lamid ahna ay u gubteen suuqa weyn ee garisa logy oo ku yaal nairobi iyo kuwo kale,khasaaraha uu dabkani geystey lama oga waana socdaa dabku waqtigan anagoo wixii khasaare ah dib kasoo sheegi doona insha allaah.




