Sheekh Abuu Muscab” Ciidamada Amisom Dagaalada Aan La Galnay Waxan Uga Dilnay In Ka Badan 3,000 Oo Askari”

0
571

Afhayeenka Dhanka howgallada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-
shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-
Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in tirada kaga dhimatay AMISOM gudaha Soomaaliya ay ka badan yihiin 3,000 oo askari.

Sheekh Abuu-Muscab Ayaa sido kale sheegay in dagaalka Ay Kula Jiraan Ciidama Amisom Iyo Kuwa Dowlada ay u bedeleen mid
jabhadeyn ah Isla Markaana ay ku dileen tiro badan
oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Duulanka ku Ah Dalkena Iyo Diintena ee AMISOM ee aan Uga dilnay
dagaalkii tooska ahaa waxay aad uga
badan yihiin tirada la sheegay ee
3,000 ah, waxaana naga go’an inaan
sii wadno dagaalka inta aan ka
dilayno tiro intaas ka badan ama ay dalkeenna nooga baxayaan, Sido Kale Tiradaas iyo mid ka badan ayaan
anagu horay u haynay, Balse Maadaama ay iyagu
ka qirteen afkooda guul ayay noo
tahay, waayo waxaan horay u
sheegnay ayay iyagu qirteen maanta,”
ayuu yiri

Si Kastaba Ha Ahaate Hadalkan Ka Soo yeeray Afhayen Dhanka Howl galada Xarakada Al-shabab Aya Waxa U Ku Soo Beegmayaa Xilli Ay Dowlada Soomaliya Taageero Buuxda Ka Helayaa Beesha Caalamka.