C/Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya,
xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil sare oo ka
tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha
iyo Madaxweynaha ayaa kulan la
qaatay wafti ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii
maalmood ee ugu danbeeyey
booqasho ku joogay magaalada
Muqdisho.
Wufuudaani imaatinkooda
Soomaaliya Ayaa waxa lagu
go’aamiyey shirkii madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ay
ku yeesheen 3-dii Maaj magaalada Addis-Ababa,
waxaana u jeedka waftigaan uu
yahay sidii ay war bixin Kaga
diyaarin lahaayeen arrimaha
gobolada Jubooyinka.
Maxbuubu Macalim oo ah xoogyaha guud ee urur goboleedka IGAD oo waftiga
hogaaminayay ayaa Ugu Horeyn ka war
bixiyey u jeedka socdaalkooda ay
ku yimaadeen magaalda
Muqdisho.
“Sidaan la socono Soomaaliya
waxay xubin muhiim ah ka tahay
IGAD, waxaana loo asaasay
ururkan arrimaha horumarka
dalalka ku bahobay dalada IGAD,
imaatinkayguna wuxuu jawaab u
yahay dalabkii
madaxweynayaasha IGAD ee
shirkoodii aan caadiga ahayn Oo
ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa.
Ilaa iyo
intii aan soo gaarnay Muqdisho
waxaan kulamo la yeelanay
bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar
ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda.
Wasiirka Warfaafinta
oo Isna qayb ka ahaa kulankii maanta
ayaa sheegay in ay dowladu u
gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda
ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada,
dowladuna ku salaynayso
qorshaheeda war murtiyeedkii
ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay
isugu yimimaadeen
madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay
magaalada Adis-Abab.
Xoghayaha ururka
IGAD Maxbuub Macalim Imaanshihiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo xiisadi
ka taagan tahay maamul u samaynta Jubbooyinka.




