Kooxo Biskoolado Ku Hubeysnaa Oo Ruux Rayid Ah Ku Toogtay Degmada Warta Nabada Ee G/Banaadir.

0
494

Kooxo Ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay caawa Magaalada Muqdisho ku dileen nin dhalinyaro ah, kaasoo
aan la garaneyn ujeedadii ka
dambeysay dilkiisa ruuxa ayaa waxaa Lagu Dilay dhabarka dambe ee Masaajidka
Sheekh Lakari, oo ku yaala Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir Xilli uu ka soo kacay maqaaxi shaaha
laga cabo oo halkaasi ku taala waxaana si lama filaan ah
u soo hujuumay laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd.

Raggaasi dilka U geystay marxuumka Ayaa Waxay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa iyagoona dilka kadib isaga baxsaday
Goobta.

Marxuumkaani La Dilay oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa waxaa
meydkiisa halkaasi ka qaaday eheladiisa, ka gadaal markii lagu
soo wargeliyay in lagu toogtay,
goobtii ay meydkiisa ka soo qaadeen.