Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay in dowladdiisa Dowladda Sooamaliya ay ka gacansiineyso Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka.
hadalkaan oo uu ka sheegay Isagoo qudbad ka jeedinayay Shir Madaxeedkii Ururka IGAD ee ka dhacay Magaalada Adis-ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyata ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay gacan ka geysaneyso wax ka qabashada arrinta is qab qabsiga iyo Muranka badan ee ka taagan Jubbooyinka.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in sidoo kale dowladdiisa ay la dhacsantahay qaabka ay maamullada ugu dhiseyso Gobollad dalka isagoo soo jeediyay in Midowga Afrika iyo IGAD ay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya arrimaha Maamul u sameynta Gobollada iyo degmooyinka dalka.
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeyay inay gacan saar dhow la leedahay Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni oo dhawaan ergooyin ku shiray Kismaayo u doortay Madaxweynaha maamulka Jubbaland.




