“C/raxmaan Faroole” Dowlada Haddii Ay Taageeri Weyso AxmedMadowe, Iyadaa Cirka Roob Ku Og’.

0
469

C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu Ka hadlay xaalada ka aloosan Magaalada Kismaayo.

Faroole ayaa wuxuu
marka hore muujiyay in Maamulka Jubbaland uu yahay
mid sax ah, oo lagu saleeyay sida
uu hadalka u dhigay Dastuurka Federalka ee dalka Soomaaliya Wuxuuna sheegay in Dastuurka ay
Dowladda Soomaaliya
adeegsaneyso uu yahay mid khaldan, oo aanu ahayn kii leesla wada ogaa ee Magaalada Muqdisho lagu Ansaxiyay.

Dastuurkii leesla ogaa ee lagu
wada heshiiyay ee Magaalada
Muqdisho lagu Ansaxiyay,
maahee mid kale ayay Dowladda
u qeybisay Xildhibaanada ayuu
yiri Madaxweynaha Puntland Mr.Faroole.

“Faroole” Dadka haddii aysan ogeyn anaga ayaan u sheegeyno in
Dastuurkaan uu yahay mid
khaldan, kii saxda ahaa meel
ayaa leeska dhigay mid kaloo
copy ah ayay Dowladda ku
dhaqantaa.

C/Raxmaan Faroole ayaa wuxuu tilmaamay in xalka kaliya uu ku jiro Nidaamka Federalka,
ee la doonaayo in dalka oo dhan
laga hirgeliyo, wuxuuna Dowladda ugu yeeray inay
taageerto.

“Dowladda haddii ay taageeri
weydo Maamulka Jubbaland,
iyadaa cirka biyo ku og.” ayuu sii
raaciyay Madaxweynaha
Puntland, oo Dowladda
Soomaaliya u soo jeediyay inay
taageerto shirka Jubbaland, haddii aysan ujeedo kale laheyn wuxuuna
Dowladda Soomaaliya ugu yeeray
inay si bilaa sharuud ah ay ku taageerto Maamulka Jubbaland,
oo uu xusay in lagu soo doortay
shir muddooyinkii ugu dambeeyay ka soconayay
Magaalada Kismaayo.