“C/karin Xuseen Guuleed” Waxa Shalay Kismaayo Ka Dhacay Ma Ahan Mid La Aqbali Karo.

0
541

Wasiirka Arimaha gudaha iyo
amniga Qaranka Soomaaliya ayaa
si kulul uga hadlay Doorashadii
shalay ka dhacday Magaalada
Kismaayo ee mdaxawenaha
Jubaland State loogu doortay
Hogaamiyaha Kooxda
Raaskanbooni Sheekh Axmed
Madoobe.

C/Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka
Arimaha Gudaha ayaa sheegay in
waxii shalay Kismaayo ka dhacay
aysan aheen wax la aqbali karo
marnaba aysan Dowlada
Soomaaliya raali ka aheyn
aqoonsana doonin.

Wasiirka ayaa xusay in marnaba
ogolaan doonin natiijadii shalay
kasoo baxday Shirkii KIsmaayo
kasocday uu ku tilmaamay mid
xadgudub ah oon waafaqsaneen
shuruucda Dalka , Dowlada
Soomaaliya aysan u dul qaadan
doonin waxa kasocda Magaalada
Kismaayo ee Xarunta Gobolka
Jubada Hoose.

Hadalka Wasiirka Arimaha
Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo
aadaya xili maalintii shalay Shirar
kala duwan oo Magaaladaasi ka
dhacay Madaxweynaha Jubaland
State Siyaabo kala duwan loogu
doortay Sheekh Axmed Islaam
(Axmed Madoobe) iyo Col. Barre
Aadan Shire Hiiraale taa oo
dhalisay durba qilaaf iyo Xiisado
Cusub in Kismaayo ka oogmaan.