C/karin Xuseen Guuleed Wasiirka arimaha Gudaha iyo
amaanka qaranka Xukuumada
Soomaaliya Barta uu Tuwitarka ku
leeyahay Ku Soo qoray Maal Mihii
Dambe warar badan oo uu uga
hadlayo arimaha Jahwareerka ka
taagan Kismaayo ayaa waxaa uu
soo dhigay Hadal sheegay in
Dowladu ay amar ku siisay
wafdigii ay kismayao u dirtay in
ay Dib ugu soo laabtaan
Magaalada muqdiosho si
Dowladu ay mar kale Go.aan uga
Qaadato Xaalada Jubooyinka.
“wafdigii Kismaayo loo diray iney
dib u soo laabtaan,ayaan ku
amarnay si dawladdu ay go’aan
uga qaadato arrinta Kismaayo.
Wafdigaasi aan u diray Kismayo
ayaa noo sheegaya in kooxaha
Kismaayo isku heysta ay kulan ka
dalbadeen, balse howsha
wafdiga maahan
arrinkaas.
Waxaan amar ku siinay
in ay soo laabtaan” ayuu yiri
cabdi kariin xuseen Guleed .
Wasiirka ayaa Bogiisa Tuwitarka
warkaan uu soo dhigay waxaa
uu uga hadlaydowlada Kenya
gacanta ay ku yeelan karto
Arimaha Kismaayo.
“Koox Jabhad qabiil ah oo
hubeysan kama talin karto
aayaha bulshada Jubbooyinka,
waana u sheegnay dawladda
Kenya iney faraha kala baxdo
Arimahaas Dawladda Kenya
waxey qeyb ka tahay dawladaha
AMISOM soo diray, wax siyaasad
iyo maamulna shaqo kuma
lahan”ayuu Yiri wasiirka arimaha
Gudaha.
Waxaa kale oo uu ka hadlay
Cabdi kariin Xuseen Guuleed
Dowladu dadaalka ay u gashay
Xal u helista Kismaayo waxaana
uu yiri Dawladdu dadaal ma
reeban, laakin dad qaswadayaal
ah ayaa dhibaatada wada,
tallaabo ayaana ka
qaadeynaa.Axmed Madobe
waxba ka duwan shacabka reer
Kismaayo haddii uusan wali
aaminsaneyn fikradihii uu ka soo
laabtay.




