Wararka ka imaanaya magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo ayaa qeexaya in goordhow uu ka dhacay deegaanka tuulo Barwaao oo udhaxeeya magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Garabahrey ee gobolkaasi Gedo sida ay dadka deegaanka soo sheegayaan.
Warka ayaa intaas ku daraya in dagaalkaasi ka danbeeyay kadib markii ciidamo ka Tirsan Xoogaga Xarakada al-Shabaab ay weerar
ku qaadeen gaadiid waday Shixnado kuna sii jeeday dhanka Garbaharey Ee Gobalka Gado.
Saraakiil ka mid ah maamulka dowlada ee Gedo ka tirsan ayaa sheegay inay dhankoda iska caabiyeen weerarka kaga yimid Xarakada al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakishasi waxa ay sheegen in gaadiidkasi ay la soc deen Cutubyo ciidama ah oo Ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.
Ilaa iyo Iminka Lama Cadeyn karo Qasaaraha Dhabta ah Ee Ka Dhashtay Is Rasaasentaasi Dhex Martay Ciidamado ka tirsan Xarakada Al-shaabab iyo Kuwa Dowlada Somaliya.
Wixii ku soo kordha Kala Soco Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com




