Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Jowhar Oo Caawa Lagu Weeraray Qarax Bum.

0
594

2 Askari Oo Ka Tirsanaa Kuwa Dowlada Somaaliya Ayaa ku dhaawacmay bam-gacmeed caawa lagu weeraray xafiiska
laanta Hanti-wadaagga degmada Jowhar ee xarunta
gobolka Shabeleeha Dhexe.

Khaliif C/lle Carfaaye Taliyaha saldhigga degmada Jowhar ayaa sheegay in
dhaawaca labada askari la geeyay isbitaalka dagmada
halkaa oo lagu dabiibayo Xaaladooda Caafimaad.

Sidoo Kale Khaliif Ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada amaanka Degmada Jowhar ay baarayaan goobta uu falka ka
dhacay Wixi Ka Soo Baxana Ay Saxaafada U Soo Bandhigi Doonaan.