Dagaal ka dhacey xad beeneedka ethiopia iyo soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay weerareen ciidamada xarakada alshabaab labo saldhig oo ay lahaayeen ciidamada loo yaqaan new police ee ismaamulka soomaalida iyadoo ay alshabaab saacado la wareegeen gacan ku heynta goobihii lagu dagaalamey.
Xarakada alshabaab oo dagaal aad u ba’an kula jirta dawlada federalka iyo huwanta afrikaanka ayaa hadda waxey fureen aag cusub oo dagaal,taas oo waxba kama jiraan ka dhigeysa hadalki dhahayey shabaab meesha waa laga saarey waana laga adkaadey.
Qasaaraha dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarey labada dhinac ee dagaalamey,dagaalkan ayaa waxa uu kusoo beegmaya iyadoo ciidamada amisom ay dhawaan ka digeen weeraro ka imanaya dagaalyahanada alshabaab oo gacanta wali ku haya meelo badan oo gudaha soomaaliya ah.




