Barlamaanka soomaaliya oo la noqdey mawshin laga keeney xukuumada uu hugaamiyo cabdi faarax shirdoon.

0
517

Waxa maanta oo barlamaanku u balansanaa in xukuumada dr saacid mowshin laga keeney laga doodo codna loo qaado ayaa ka talaabsatey kadib marki ay barlamaanku isticmaaleen qidad kale waxeyna meel iska dhigeen mawshinka iyagoo fahmey in xukuumadu ku guuleysaneyso hadii cod loo qaado,waxeyna la laabteen mawshinki barlamaanku u balansanaa.

Barlamaanka ayaan ka aamuseyn xukuumada hadii ay wax qalado,hadiise loo codeyn lahaa xukuumada muddo lix bilood ah barlamaanku ma la hadli kari laheyn hadase xukuumadu waxey ku qasbantahey in ay is ilaaliso si aan mawshin looga keenin,sidaas si la eg madaxweynaha ayaa isna ka badbaadaya ficilo ka dhan ah oo ay xukuumadu ku dhaqaaqdo.

Waa marki ugu horeysey ee ay xukuumadani ku sigato in afka ciida loo daro waxeyse ku badbaadey juhdi badan oo ay geliyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka isla markaana musuq iyo wadahadallo hoose lala galey xildhibaanadi mawshinka wadey si ay u tanaasulaan.