Waxaa caawa saq dhexe hal mar la wada maqley qaraxyo qoriga hoobiyaha oo ku hoobanaya agagaarka madaxtooyada iyo guriga laga maamulo dalka soomaaliya,kuwaas oo aan la garaneyn cida soo ridey iyo meesha laga soo rideyba.
Wax ku cusub dhegaha shacabka maahan dhawaqa madaafiicda iyo hoobiye saq dhexe ku dul habsada dad hurda oo aan waxba galabsan,hase yeeshee wax la filayey hadda maaheyn maadaama dawlada iyo ciidamada africa ay sheegeen in laga adkaadey alshabaab amnigana ay iyagu gacanta ku hayaan lana xaqiijiyey.
Ilaa hadda lama oga qasaaraha ay geysteen madaafiicda caawa lagu garaacey madaxtooyada soomaaliya maadaama ay xilli aan dhaq dhaqaaq jirin aheyd,balse berri ayaa la ogaan doonaa,oo aan soo gudbindoonaa wixii kusoo kordha madaafiicdan lama filaanka ah,ayna dad badani durbadiiba eedda dusha ka saareen ciidamada amisom oo dawlada qalqalgelinaya si ay u gaaraan ujeedooyin guracan oo ay dalka ka leeyihiin,kadib markii ay ogaadeen in aan cidina waxba ka qabaneyn wax kasta oo lagu dhaqaaqo sida kenyaba aan waxba looga qaban waayey iyadoo faragelin qaawan ku heysa arrimaha gudaha soomaaliya.




