Sh.Xasan Daahir”Axmed Godane Waa Kaligii Taliye Mana Ka Aqbaleyno Arintaas.

0
516

Sh.Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay In Uu doonayo maanta inuu
ka hadlo xaalada dadkeena iyo
dalkeena oo meel adag oo
xasaasi ah mareysa, waxyaabaha
aan ka hadlayana waxa ugu
wayn laba arimod oo kala ah
Arimaha dibada iyo kuwa
gudaha.

Xaga gudaha waxaan si weyn
diirada u saari doonaa arrimaha
dhexdeena ah, Sida ad ogtihiinba
dalkeena Soomaaliya waxa uu
leeyahay ahmiyad gaar ah oo ah
halka uu dhaco Juqraafi ahaan.

Sidoo kale waxaan nahay
muslimiin ahlu suna ah oo ah
difaaca koowaad xagga
koonfureed ee Xarameynka,
musliminta dagta geeska Africa
oo boqolkiba 80% ku dhow
waxaan u nahay garab ay
dugsadaan.

Arimahas iyo kuwa kale oo
leysku geeyey ayaa waxay
sababeen inuu cadowga na
beegsado oo nagula soo qaado
duulaamo isdaba joog ah Marka
wa inaan isweydiinaa yaa cadow
u ah ummadan yaase gacal u ah?

Waxa la wada ogyahay in
umadda cadowgeedu yahay
Yahuuda iyo nasaarada sida uu
ALLAH kitaabkiisa Qur’aanka
noogu sheegay, iyadoo
cadowgaas maanta ay
horkacayaan wadamada
Mareykanka iyo Ingiriiska
kuwaasoo ah kuwa kala
googooynaya horayne u kala
googooyey wadamada islaamka
Sida Somalia o ay u qeybiyeen
shan qeybood, Falastiin, Keshmiir,
Suudan iyo Miyannaar oo
dhamaantoodba dad muslimiin
ah ku dhibateynayaan gaaladu.

Waxaa ugu dambeeyey
dhibaatooyinka ay nagu hayaan
shirqoolkii shir ku sheega aha ee
dhawaan lagu qabtay dalka
Ingiriiska tan kale dhaqaalaha ay
Soomaaliya ugu yaboohayan
waxaad ogatan in yabooha ay
dhaafsanayaan mawaaqif iyo
masaalix ay ugu adeegayaan
danahooda gaarka ah kamana
run sheegaan, wax yar ee ka
dhaboobana waxay dib ugu
laabtaan jeebkooda si
xirfadeysan.

Runtiina umaddana waan uga
digeynaa inaysan ku kadsoomin
shirqolkaas uu cadowga
maleegayo.

Waxaan raba inaan adkeeyo in
erayada ay isticmalayaan ee ah
aqoonsiga dib u dhiska iyo wixii
la mid ah inayan waxba ka jirin
oo ay tahay wax ay ku tala galeen
inay ku baneystaan kheyraadka
dalka.

Waxaan kaloo codowga umadda
ka mid ah kuwa daba dhilifyada
ah oo dowladdda federaalka ah
oo anaga aan u naqano inay
tahay dowlad ridda ah, waxaana
umadda waajib ku ah inay ridaan
dowladaas badalkeeda ay
dhistaan dowlad islaami ah oo
umada ku dhaqda shareecada
islaamka isla markaana shuura
leh oo ay ku mideysan yihin
dadka muslimiinta ah ee
Soomaaliyeed.

Intaas kadib umadda mar haddi
ay ogaatay cadowgeeda dhanka
kale wa inay gartaan cidda u
gacalka ah oo ah culimada oo ay
ugu horeeyaan Mujaahidinta.
Mujahidinta runtii ahmiyad gaar
ah ayey leeyihiin iyagana waxay
ka dhasheen dacwadii mudada la
soo waday ee ay horkacayeen
Xarakaadka Islaamiga ah, marka
aan ka soo gudubno
maxkamidihii Islaamiga oo runtii
ahaa waxaa ugu wayn oo isu
keenaya mirahaas dacwada
waxaa xigay oo la is dhihi karo
waa dhameystirtay isu keenidii
mirahaas arin weyn oo aheyd
Midowgii Xarakada Al-shabaab
iyo xisbul islaami oo ay umaddu
aad ugu faraxday lagana filayey
inay ka soo baxdo awood
mideysan oo cadowga lagala
hortago.

Balse natiijadii ay noqotay taa
mid aan aheyn, arintaasina
sababteeda waxaa iska laha hal
ruux oo la kali noqday masiirkii
umadda, taasoo keentay inay
mujaahidintu daciifaan,
cadowgiina uu ku soo dhiirado
kana saaro dhulka intii badneyd
ee muslimiinta gacanta ugu jiray,
waxa kaloo ka dhashay la kali
noqoshadas laba arimood oo
waaweyn oo kala ah.
1) Shareecadi umaddu ay ku
mideysned oo hoos loo dhigay
waxaana arinkaas micnihiisu
yahay in markii leys qabto oo la
yiraahdo shareecada ha loo
noqdo ay ka madax adeegto
cidda la kali noqotay masiirka
umadda iyo in leysku qalday
manhajkii rasuulka scw iyo
siyaasadii Miikaaderiyada (Al-
Qaayatu Tubarirul Wasiila)
manhajka ama dariiqa rasuulka
waa inaad waxaa wanaagsan ee
aad dooneyso u martaa dariiq
wanagsan, halka
MIIKAADERIYADA ay qabto waxaa
aad dooneyso u mar dariiqa aad
doonto (Al-daruuratu tubiixul
maxduuraat) Marka ay taasi
dhacday oo laga madax adeygay
in loo laabto kitaabka ALLAAH
waxaa bilaabatay in leyska hor
yimaado halkaana uu ka dhaco in
la daadiyo dhiig aan banaaneyn
wax lagu daadiyey oo la
garanayana aanay jirin, dhanka
kalana ciddi ka hadasha
arrimaha dhacaya laga dhigo mid
la eryo, mid la dilo, mid xabsi la
dhigo iyo mid la tuhmo oo la
suurad xumeeyo, arintaa oo
keentay in dad badan ay dib uga
baxaan qadiyadii oo markaas
koox yar la kali noqoto masiirka
ummada Soomaliyeed, Waxaa
kaloo aan ummada u cadeynaya
arinta dadka mujaahidnta lagu
baacsanayo Bay iyo Bakool oo
dhiigooda la baneysanayo inay
tahay arimaha Qatarta ah ee jira
oo xitaa fatwadi ay culimadu ka
soo saareen aysan jirin cid
maqashay.