Sida ay sheegayaan Taliska Booliska Gobolka Banaadir waxaa gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay Haweeney u shaqeyneysay Hey’ad Turkish ah oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Generaal Axmed Xasan Maalin oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ay u soo qabteen afar ruux oo mid ka mid ah lagu helay sawirka gabadha, isla markaana isagoo ordaya la soo qabtay.
“Gacanta ayay kusoo dhigeen Booliska ilaa afar qof oo midkood uu watay sawirka Gabadha la dilay ayuu yiri Generaal Maalin.
Wuxuu intaas ku daray Taliyaha Booliska Gobolka Banadir inay Wadaan baaritaano lagu haayo ragaas, isla markaana ay socdaan howl galo dheeraad ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo sida uu yiri.
Subaxnimadii Shalay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeenley haweeney ka shaqeyneysay Garoonka Diyaaradaha taas oo lagu dilay degmada Dharkeenley.
Muqdisho ayaa Marti u ah dilal, iyo Qaraxyo ay dad badan ku geeriyoodaan.




