|

Maalinta Haweenka 8- Maarso oo La Xusay.

Xaflado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Haweenka 8 Maarso ayaa ka dhacay qeybo kala duwan oo dalka Somalia ah oo ay ku jirto magaalada Caasimadda dalka somalia ee Muqdisho.

Munaasabadahaan ayaa ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho,Hargaysa,Baydhabo,Garowe iyo magaalooyinka kale kuwaas oo dhamaan lagu xusayay maalinta haweenka oo Maanta ku beegnayd.

Xaflad si Heer Sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda somalia oo uu ku jiray Guddoomiyaha gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaaana xafladaas soo qaban qaabiyay sida la sheegay Ururka Haweeenka Qaranka oo Guddomiye ay u tahay Batuulo Axmed Gabale.

Sidoo kale Xaflad iyana lagu xusayay Maalinta Haweenka 8 Maarso ayaa lagu qabtay Degmada Shibis waxaana soo qaban qaaabiyay Wasaaradda Horumarinta adeega Bulshada oo arrimaha Haweenka hoos tagto waxaana kasoo qeyb galay labada gole ee dowladda somalia.

Intii ay socotay Munaasabadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay Tacatiyada ay Haweenka la kulmaan,waxaana goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenada wasaaraddaas iyo wasiir Dowlaha Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada.

Ugu horeen waxaa halkaas ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Hawenka Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qeyb galo munaasabadaan lagu xusayo 8 Maarso,wuxuuna hambalyo u diray dhamaan Hooyooyinka,Somaliyed oo ku aadan Maalinta haweenka.

Intii ay Socotay Munaasabadii ka dhacday Hotel Oriental ee Degmada Shibis ayaa waxaa la toogtay Haweenay kamid ahayd Haweenka dhanka Amaanka taas oo Baaritaan ku samaynaysay Haweenka gudaha u galaya Hotelka.

Share on Facebook

You must be logged in to post a comment Login