ASKAR LAGU DILAY KISMAAYO.

0
480

Labo askari oo ka tirsan ciidanka maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa duhurkii maanta lagu dilay xaafadda Ambulatooriyo.

Qof degan meel u dhow halka uu dilka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubaysan oo saarnaa gaari bas ah ay dileen labada askari, kaddibna ay ka qaateen qoryihii iyo booshashkii ay siteen.

Weriyaha Bar-kulan ee Kismaayo ayaa ku soo warramaya in ragga geystay dilka ay ka tirsan yihiin ciidanka maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dilka askarta la xiriirinayo dhac la sheegay inay ka geysteen gudaha magaalada.

Maamulka magaalada ayaan weli ka hadlin dhacdada oo argagax ku abuurtay dadka deegaanka.