Warar hada naga soo gaarey dalka kenya magaalada nairobi ayaa sheegaya in labo qarax oo aad isugu dhaw dhaw ay ka dhaceen xaafadda soomaalidu u badantahey ee islii.
Soomaalida ayaa waqtigan u diyaarsan bolis iyo guryaha soomaalida oo aad loo baaro,iyo dad leyska xir xiro,waana caado ay iska leeyihiin askarta kenya in hadiiba qarax dhaco soomaalida dusha laga saaro,sidii in qoomiyadaha kale ay gacmaha ka xir xiranyihiin oo aaney wax denbi ah geli karin.
Maahan markii ugu horeysey ee qarax ka dhaco magaalada nairobi gaar ahaan xaafada islii,waana wax caadi ah in laga maqlo qarax gudaha dalka kenya tan iyo waqtigii ay sida sharcidarada ah ku galeen gudaha dalka soomaaliya,iyadoo ay sheegtaan qaraxyadaas xarakada al-shabaab oo ka dagaalama guud ahaan bariga afrika oo dhan,ugu danbeyna qaraxan ugu danbeeyey ayaa la sheegayaa in uu geystey dhimashada hal qof iyo 3 qof oo dhaawac ah,anagoo wixii kusoo kordha dib idinkala socodsiin doona insha allaah.