Dowladda Soomaaliya Oo Dekadda Kismaayo Ka Mamnuucday Dhoofinta Dhuxusha Sheegtayna In La Isticmaali Karo Dekaddaasi.

0
189

Dowlada Federaalka Soomaaliya War qoraal ah oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay mamnuucday in wax dhuxul ah laga dhoofiyo Dekeda Kismaayo.

Sida Ku Cad Qoraalka Dowlada ayaa lagu sheegay in ay Dowladu u hogaansami doonto qaraarkii horay ay u soo saareen Golaha Amaanku kaas oo si cad u mamnuucayey dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Waxay sheegtay Dowladu inay ka go’an tahay in la qaado talaabo kasta oo lagu dhaqan gelin karo go’aanka Golaha Amaanka oo Looga Digayo Dhoofinta Dhuxusha Oo Ka Mid Ah Qeyraadka Oo Uu Alle Ku Maneesta Umada Soomaaaliyeed.

Dowlada ayaa sheegtay in Dekeda & Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay yihiin kuwo furan lana adeegsan karo si gargaar & sahay loo gaarsiiyo dadkahalkaas ku tabaalaysan.

Sidoo kale Dowladu waxay sheegtay in Dadka Deegaanku qaatiyaan ka taagan yihiin waxay ugu yeertay jaah wareer siyaasadeed oo ay wadaan kooxo Dagaal oogayaal ah & Xajirayaal mayal adag Oo Ay Ula Jeedaan Xarakada Al-shabaab.

Go’aanka Golaha Amaanka ayaa Ahaa Sidan.

Horay ayaa Golaha Amaanku go’aan ugu gaaray in la joojiyo dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya kadib markii la ogaaday in Kooxda Al-shabaab ay dhuxushaas ka hesho sanad walba malaayiin doolar$.