Dacwad loo heystey nin u dhashey dalka hindiya iyo dawlada soomaaliya ayaa dib uga furantey magaalo xeebeedka mombaasa ee dalka kenya,dacwada ayaa waxaa loo heystaa ninkan hindiga ah,waxaana lagu heystaa baasaboorro soomaali ah iyo dukunmintiyaal dawladeed oo ay soomaalidu leedahey.
Alaabta lagu heysto ninkan eedeysanaha ah ayaa ku jirtey konteynar ayaa dawlada soomaaliya waxey ku doodeysaa in dukumintiga lagu soo wareejiyo ninkanna ciqaab la mariyo maadaama ay been abuur yihiin,containerkana aysan ku qorneyn in alaabtani ku jirto,halka uu ninkani ku doodayo anigu waxaan ahaa ninkii alaabta soo rarey,mana ogeyn waxaan ay soomaalidu leedahey.
Safiirka soomaalida u fadhiya kenya maxamed cali ameriko iyo taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha general cabdullahi gaafow,ayaa sheegey in go’aan dib u dhig dacwada ah ay maxkamadu gaartey loona balamey dacwada mar kale 25ka bishan occtober ay ku faraxsanyihiin ayna rajeynayaan in ay dacwada ku guuleystaan maadaama ay dawlada soomaaliya cadeymo buuxa keentey,aysana ka haridoonin kiiskan ilaa iyo inta laga soo afjarayo.