Magaalada Kismaayo Oo Maanta Degan Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Guud Ahaan Faarujiyay Magaaladaasi

0
372

Kismaayo ayaa maanta degen Xaaladeeda Waxa Ay Tahay Mid Aad U Dagan kadib Dagaalkii shalay Oo la isu qorax dhacsaday xili ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya fadhiyeen hareeraha magaalada halka Al Shabaab xoogagii ka haray ay ku sugnaayeen qeybo kamid ah magaalada gaar ahaan dhinaca Airporka Kismaayo xiga iyo nawaaxiga bartamaha magaalada Kismaayo

Xarakada Al-shabaab Iyo Dowladaha Iskaashanaya Ayaa  Saacadihii LA Soo Dhaafay Ku Dagaalamay magaalada xeebteeda iyo dhanka Galbeedka iyo Waqooyiga Magaalada Balse Ugu Dambeytii Ay Al-shabaab Isaga Carareen Guud Ahaan Kismaayo

Xalay ayey inta badan xoogagii Al Shabaab ka baxeen magaalada si dhuumaaleysi ah waxaana la rumeysan yahay inay in badan oo dagaalyahanadii Soomaalida ahaa ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dhanq Dhaqaaqa Al Shabaab ayaa si rasmi ah u shaacisay inay magaalada isaga baxday balse Dowladaha Iskaashanaya Ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaan weli gudaha si fiican usoo gelin, ayagoo ka foojigan haraadigii Al Shabaab oo la rumeysan yahay inay qorsheenayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.