C/wali Gaas Ku Simaha Ra’iisul Wazaarahada Dowlada Jamhuuriyada Soomaaliya Oo Soo Gaaray Gudaha Dalka Soomaaliya

0
201

Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) Oo Ah Ku simaha Raysal wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa Maanta ka Soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii uu ka soo qayb galay kulankii golaha loo dhan yahay ee Qaramadda Midoobay & Shir gaar ah oo lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay isla New York Ee Mareykanka.

Sidoo Kale C/wali Gaas Ayaa Warbaahinta U sheegay in shirkaas looga hadlay arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya bulshada caalamkuna ay isku raacday sidii ay u sii xoojin lahayd taageeradda ay siiso Dowladda Soomaaliya Iyo Shacabkeedaba.

Prof.Gaas Ayaa Wuxuu Hambalyo u diray Ciidamada Xooga Dalka & kuwo AMISOM guulaha ay ka gaareen dagaaladda ay kula jiraan kooxda Al-shabaab & qabsashadooda Kismaayo Ay Haatan Gacan Ku Heyteeda Xaqiijiyeen.

Imaanshaha C/wali Gaas Ayaa Imaanaya Xilli Madaxweynaha Soomaaliya lagu Wado inuu maalmaha soo socda soo magcaabo Raysal wasaare soo dhisa Xukuumadda cusub oo bedesha Xukuumadda Badbaado qaran ee hada sida ku meel gaarka ah u sii joogta Xafiiska.