Allaha u naxariistee waxaa maanta kooxo hubeysan ay ku toogteen wariye XASAN YUSUF ABSUGE Meel aan ka fogeyn idaacadda maanta oo uu ka hawl-geli jirey.

0
298


Waxaa allaha u naxariistee wariye Xasan Yusuf Absuge lagu dilley maanta agagaarka idaacadda maanta oo uu ka hawl geli jirey,iyadoo sida la ogyahey shalley ay dhinteen dad kor u dhaafaya 25 qof.

Wariye xasan yusuf absuge allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin aqoon saxaafadeed leh muslim ah bashaash ah aan af iyo adin cidna eed uga gelin,waxaana tacsi tiiraanyo leh halkan uga gudbinaya eheladi iyo qaraabadi iyo bahda saxaafada soomaaliyeed ee uu ka baxey marxuum xasan yusuf absuge Madaxda iyo xubnaha xisbiga midnimad jamhuuriga soomaaliyeed gaar ahaan gud.kuxigenka ahna kusimaha xmjs md.cali maxamed nuux timajilic isagoo eebe uga baryey in uu janadisa fardawsa ka waraabiyo eheladi iyo bahdi uu ka baxeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo aamiin aamiin(inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun).