Diyaaradaha U Kaca Khumaatiga OoDul Heehaabaya Hawada Sare Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda.

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Diyaaradaha dagaal ee la arkay ayaa ahaa labo diyaaradood oo sida dadweynaha ay sheegeen ay ahaayeen Helicopter ayaa waxaa lagu arkay Xaafadda Calanleey iyo Faanoole oo ka wada tirsan magaalo madaxda Kismaayo.
Dadka ayaa waxa ay sheegayaan in aysan aqoon diyaaradaha wadanka laga leeyahay lakin sida wararkii ugu dambeeyay nasoo gaaraya ay sheegayaan in diyaaradaha ay kasoo kibitimeen Markab dhex istaagan badda magaalada Kismaayo.
Qof ku sugan Xaafada Faanoole oo magaciisa inoo diiday inaan baahino ayaa waxa uu sheegay in Shacabka xaafada ay aad u qal-qaleen kadib markii diyaaradaha ay aad ugu soo dhowaadeen.
Maamulka xarakada Mujaahidiinta  AL-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in diyaaradaha ay u maleynayaan in laga leeyahay dalka Kenya, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Masuul ka tirsan xarakada AL Shababaab oo la hadlaayay Idaaacada ku hadasha afkooda ayaa waxa uu wacad ku maray in hadii markale diyaaradahaasi ay soo laabtaan ay u dhigi doonaan cashar lama ilaabaan ah.
Ugu dambeyntiina xaaladda magaalada Kismaayo ayaa Saakay ah mid dagan oo jawigii hore ayey kusoo laabatay balse Shacabka magaalada ayaa ka baqanaya in markale diyaaradaha ay soo laabtaan.
(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Share on Facebook













