|

Augustine Mahiga Oo Sil Maldahan U Weeraray Madaxda Waqtigooda Sii Dhamaanayo Ee Dowlada Soomaaliya.


(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Ergayga Qaramada midoobe U Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Mr Augustine Mahiga Ayaa Waxaa uu Sheegay in uu Digniin adag u Dirayo Labada Dhinac isla markaana uu sheegay inay qasayaan Qorshaha Xildhibaanada Cusub ee Lagu Wado In Dhawaan Lasoo Dhisi Doono.

War Saxaafaddeed uu Soo Saaray Mahiiga ayaa Waxa uu ku Sheegay in Mas’uuliyiinta Xilalka Ka Haya Dowlada Waqtigeeda Idlaaday iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ah ay si weyn ay Faraha ugula jiraan Soo Xulida Xubnaha Barlamanka Cusub Ka Mid Noqonaya.

Mahiiga ayaa Waxaa uu ka Gaabsaday Si toos ah in uu Cadeeyo Magacyada Mas’uuliyiinta Balse Markale uu sheegay inay Odayaahsa Qasbayaan kuna Qasbayaan nin Walba ninka uu wato in lagu Daro Barlamanka Cusub ee Lagu Wado Dhawaan in Dalka soomaaliya uu Yeesho,

Augustine Mahiga” Madaxdani waxa ay moodaan in aan la fahansaneen Siyaasadooda oo nin walba waxa uu doonayaa cidda uu si leeyahay codka wuu kuugu shubayaa ku darso barlamanka Balse waxaan Uga Digayaa Inay Arrintaasi ay Iska Daayaan “ Ayuu yiri Mr Mahiiga.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Waxay sheegeen in mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta soomaalida loo aqoonsandoono sida uu war Saxaafaddeedka uu ku sheegay Qaswadayaasha oo Ka soo Horjeeda Geeddi Socodka Nabadda.

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Share on Facebook

Tags:

Leave a Reply

Free WordPress Theme