Alshabaab oo xaley weerartey labo saldhig oo ku yaala Degmada Afgooye.
Wararka Soomaaliya wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Dhaq Dhaqaaqa Alshabaab ayaa habeenimadii xaley aheyd weerarey labo saldhig oo ku yaaley degmada Afgooye halkaasi oo fariisin u aheyd ciidamada Dawlada iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas Ka Dhacay Afgoye.
Dagaalkaani ayaa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal oo ku sugan degmadaAfgooye in uu ahaa mid aad u xoogan socdayna muddo kooban, iyadoo aysan weli saraakiisha Dowlada TFG-da ka hadlin weerarkii xalay lagu soo qaaday degmada Afgooye Qasaarahana Ka Dhashay.
Goobahan la weerarey ayaa waxaa ay ahaayeen saldhig ku dhow kontaroolka laga soo galo degmada Afgooye iyo dugsigii sare ee degmadaasi oo hada ah goob ay degenyihiin ciidamada milatariga iyo ku nabad sugida dawlada TFG-da.
Shacabka ka agdhawaa goobta uu dagaalku ka dhacey ayaa waxey sheegeen in afar qof oo shacab ah dhaawac iyo dhimashoba kasoo gaadhey oo rasaas habow ah haleeshey Islamarkaana La Gaarsiiyay .
Mu Alshabaab ayaa sheegtey in weerarkii xaley ay ku qaadeen degmada Afgooye ay ka gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen, iyadoo uu imaanayo weerarkan xilli ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM shalay la wareegeen deegaano hor leh oo ay ka mid ahayeen garoonkii diyaaradaha ee KM-50 ee gobolka Shabeellada Hoose.
Bishii May ee sanadkan aynu ku jirno ayaa ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen kooxda Alshabaab iyagoo dawladu ay kaga soo duushey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
\Wararka Soomaaliya wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Share on Facebook













