Farmaajo Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Warbixintii Mareykanka

0
524

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Ra’iisul wazaarhii Hore ee soomaalia Max’ed C/laahi Max;ed Farmaajo Ayaa Si Xoogan U Cambaareeyey Warbixin Ay Dhwaan Soo Saarta Dowlada Mareykanka Oo LAgu Sheegay In Xukuumadisa ay Musuq maasuqday Waqtiga Yareed Oo Ay Haysay Talada Dalka .

Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo waraysi Warbaahinta ayaa waxaa uu beeniyay warbixin dhawaan kasoo baxday dowladda Maraykanka oo lagu sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Xukuumaddii Farmaajo ay lunsadeen dhaqaallo loogu talagalay Soomaaliya.

Farmaajo waxaa uu cadeeyay in dhaqaallo loogu talagalay Soomaaliya uusan lunsan Islamarkaana Ay Arintaan Ka Dambeysay Dad Cadow ku aH Sida UIu Sheegay Dalka Somaaliya,Waxa Uu Kaloo Sheegay In Warbixintaani Si Gaar ah Uu U Qoray Nin U Dhashay Dalka Fiidnaan

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay la dagaallami jirtay musuq maasuqa sidaasi darteedna aysan waxba ka jirin Warbixintaani kasoo baxday dowladda Maraykanka oo uu sheegay inay ka dambeeyaan dad qaran dumis ah.

dhawaan Ayay Aheed MArkii Warbixin LAgu CAmbaareeynayo MAdaxda Ugu Sareyso Dowlada Oo Isugu Jira MAdaxweynaha Soomaaliya Iyo Shaqsiyaad Caan Ka Ahaa Xukuumadii Farmaajo Ay Lunsadeen LAcago Farabadan oo Loogu Talo GAlay Umada Soomaaliyeed In Wax Loogu Qabto.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)