Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay In Uu Is Casilo Iyo Taageerayaasha Farmaajo Oo Ogaaday In Soomaaliya Gumeysi Ay Ku Jirto

0
400

Wararka Soomaaliya

Daqiiqado Ka hor ayaa Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilii R/wasaaronimo wuxuuna sheegay in uu eegayo danta dalka sidaas awgeed ay lama horaan noqotay in uu is casilo wuxuuna sheegay in uu siii joogaya dalka wuxuuna itaa ku daray inuu la dagaalami doono kooxaha TFG-da diidan

Farmaajo ayaa xilligii uu is casilayay waxaa garab fadhiyay Madaxweyne Shariifka Soomaaliya waxaana Farmaajo wajigiisa ka muuqday cabsi baahsan oo soo wajahdya ka dib markii ay xireen xalay ciidamada shisheeye ee duulaanka Muqdisho ku jooga

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com ayaa todobaad ka hor baahisay in Farmaajo uu laheyn awood uu ku sii joogo Muqdisho waxayna taas cadaatay Maanta markii uu si rasmi ah u wareejiyay kursigii TFG-da uu kaga fadhiyay

Waxaana is Casilaada Farmaajo ay imaaneysa xilli maanta Muqdisho uu soo gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan

Dhanka kale dadkii taageersanaa Farmaajo oo u heystay in Soomaaliya ay madax banaantahay ayaa ogaaday in Soomaaliya ay tahay dal la heysto gumeysina ku jira kuwaasoo inta badan go’aansaday danaha reer galbeedka uu kal leeyahay Soomaaliya isla markaana ay la saftaan Mujaahidiinta Al Shabaab

Hadaba cidaan ogeyn in Soomaaliya gumeysi ay ku jirto hadaba ogow in Soomaliya Gumeysi ay ku jirto

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)