Dood Cilmiyeed Looga Hadlayey Caqabadaha Hor Taagan Dhismaha Dowlad Soomaaliyeed Iyo Hiigsiga Mustaqbalka Oo ka Dhacay Sudan (Weriye fa’iso Ciise Cabdalla)

0
266

Waxaa xalay caasimada dalka Sudan ee khartuum lagu qabtay dood cilmiyeed lagu falanqeynayay DHISMAHA DOWLADA SOOMAALIYA CAQABADAHA HORTAAGAN IYO HIIGSIGA MUSTAQBAQLKA,waxaana soo agaasimay Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo ay kasoo qeyb galeen qunsulka safaarada soomaaaaliya ee sudan, macalimiin wax ka dhiga jaamacadaha dalka sudan, aqoonyahano, hooyoyin soomaaliyeed iyo weliba jaaliyada soomaaliyeed ee Sudan ku dhaqan.

Ustaad Cali Sh.Maxamuud ayaana daaha ka rogay dooda oo tilmaamay caqabadaha dowlada hortaagan ay ugu weyn tahay in qaadicu dariiqyadi isku badaleen dad shareecada wax ku xakuma taasna ya tahay ayaan daro, waxaana la wadaagay furitaanka Ustaad Aadan Azhari oo si qoto dheer uga hadalay marxalada u dalka marayo isagoo ifafaalo wanaagsan ku muujiyay dadaalada xukuumada ay wado iyo dowlad goboleedyada laga dhisayo dadka daafihiisa.

Kadibna waxaa la furay doodii iyadoo ay si hufan ay isu dhaafsadeen araadooda dhamaan aqoonyahanada waxaana qeyb lixaad leh ka qaatay gabdhihii kasoo qeyb galay dooda iyagoo muujiyay qiiro iyo dareen wadananimo.

Waxaa isna ka hadalay Qunsulka safaarada Soomaaliya ee sudan mudane Ibraahim Guure oo xasuusiyay aqoonyahanada dowrkooda isagoo tibaaxay in qofka aan waxba aqoon uusan danbi laheyn oo uu masuul ka yahay qofka wax bartay lagana doonayo inuu saameeyo oo uu wax ka dabalo nabadana u horseedo.
Kadibna waxaa la siiyay gudi loo diyaariyay in ey ururiyaan fikradaha lagu soo gudbinayo dooda waxeyna kusoo kooben dhowr qodob iyo baaq ay u dirayaan dowlada federaalka soomaaliyeed waxaana soo gudbiyay Ustaad Daahir Cumar Jaran (Eebow) waxaana ugu muhiimsana qodobada :
1-In laga gudbo xukuumaadka ku meel gaarka ah oo ah caqabada ugu weyn ee hortaagan dowlada loona gudbo xukuumad rasmi ah.
2- In la helo shaqsiyaad soomaali ah oo u bisil fahmina kara qadiyada wadanka iyo cida ah cadawga dhabta ah.
3- In dib loo habeeyo ciidanka qalabka sida lana siiyo tababar heer sare ah loona fududeeyo tas’hiilaadkooda si ay u badalaan ciidamada (AMISOM).
4- In wada hadal toos ah lala galo dowlada goboleedyada awooda ku leh gobaladooda si loogu gogol xaaro dowlad faderaal ah oo awood badan.
5-In lala dagaalamo shaqsiyaadka iyo kooxaha waxqariba (argagixiso) lagana fogeeyo shacabka madaama u yahay shacabka soomaaliyeed mid nabada jecel.
6-In la howl galiyo cuquusha iyo aqoonyahanada u damqanaya wadanka si ay u badbaadiyaan ummada.
7-In la hir galiyo nidaamka xisbiyada iyo dimoquraadiyada lagana tago nidaamka qabaliga ah 4.5.
Waxaana soo afjaray dooda Cabdalla Cusmaan Xaaji Cali oo aha madaxa gudiga qabanqaabada barnaamijka waxuuna balan qaaday inaysan ka daali doonin u adeegaida shacabka soomaaliyeed iyo isu keenida aqoon yahanada isagoo u mahad celiyay kasoo qeyb galayaasha iyo qunsulkaba.

WARIYE:FA’IZA CIISE CABDALA

Warsom.com

KHARTUUM-SUDAN

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)