Ciidamo Taabacsan R/wasaare Somali Americanka Farmaajo Iyo M/weyne Shariif TFG-da oo Is Hor taag Iyo Jir Dil U Geystay In ka Badan 25 Xildhibaanada Guddiga Doorashooyinka

0
243

Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Iyo R/wasare Somali Americanka farmaajo Ciidamo Taabacsan ayaa maanta is Hortaag Ku sameeyey In ka badan25 Xildhibaan oo ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka baarlamaanka oo Doonayey In ay Duulaan Garoonka aadan cadde ee Magaalada Muqdisho

Xildhibaanadaani oo Uu Hor Boodayey Xildhibaan Xashara ayaa Muddo Kooban Xoriyadoodi Laga qaaday Xili ay Doonayeen In ay ka dalka ka Dhoofaan

Sidoo kale Xildhibaan Xashara oo saxaafadda la hadlay ayaa Sheegay In Xildhibaanada qaar la Jir Dilay isla markaan Loo Diiday In ay Dalka ka duulaan Xili ay farax Buuxdo ka haysteen Gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan Shiikh aadan

Ma Caddo sabaha ka dambeyso In Xildhibaanada baarlamaanka loo Diido In ay ka Duulaanka Garoonka Muqdisho Balse wararka qaar ayaa Waxa ay Sheegayaan In Shariif Iyo Farmaajo ay Ka dambeeyeen Qorshahaani isla markaana maanka Ku hayey In haddii ay Xildhibaanadaani Dibadda aadan ay Suura gal Noqon karto In ay Meesha ka baxaan Shariif Iyo farmaajo

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)  

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953

info@warsom.com

& webmaster@warsom.com