Xog Ku Saabsan Xil ka Qaadistii Lagu Sameeyay Horjoogaha Ciidamada Burundi Ee Ku Sugnaa Muqdisho (War Bixin Sir Ah)

0
480

 Maalin ka hor ayaa waxaa la shaaciyay in xil ka laga qaaday horjoogihii ciidamada Burundi ee ku sugnaa magaalada Muqdisho ka dib markii uu ku fashilmay dagaalada ka sii socda Muqdisho.

Warar hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan fashilaad iyo jab baahsan oo soo gaaray ciidamada Burundi in ay sababtay xil ka qaadista horjoogihii Burundi isagoo sidoo kale ka biyo diiday in ciidamadiisa ay ka qeyb galaan dagaalada lagula jiro xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab taasoo keentay in Bujanbuura looga yeero.

Bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa dagaaladii ka dhacay Muqdisho waxaa ku baaba’ay ciidamada Burundi iyadoo inta la ogyahayna ay ku geeriyoodeen in ku dhow 300 oo askari halka tira ka mid ah ciidamadooda oo nool noolna gacanta lagu dhigay.

Hadaba marka laga soo tago xogtaan ay ka war heshay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com waxaanan jirin qirasho cad oo ka soo yeertay Dowladda Burundi iyadoo astaanta lagu yaqaano Burundi iyo Ugandaba ay tahay dafiraad iyo sheegasho guulo been ah.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)